Friday 9 October 2015

wax ka baro khayraadka dhulkeenu qaniga  ku yahay 

Fooxu guud ahaan waa xabag dhir gaara ka baxda  si yaabo badana loo isticamaalo , magaca guud ee xabagta fooxa loo yaqaan waa BEEYO ,  hasa ahaatee marka magaca xabag oo dhan guud ahaan  kulmiya  marka shaqadeeda  iyo habka loo beero lagu daro waa  XIJI.Dadka beeyada beera iyaga waxaa loo yaqaan beeyeesato .

Beeyadu waxay ka baxdaa dalka soomaaliyeed geestiisa waqooyi bari dhulka imminka loo qayaan PUNTLAND , dhirta beeyadu ka baxdo iyada waxaa loo yaqaan MOXOR  .
Geedka labaad ee isagu xabagta bixiya waxaa loo yaqaan MAYDDI.

BEEYADAU marka hore waa dareere  caanaha ciirta ah u eg oo CANANNO la ya yidhaahdo,hasa yeeshee marka ay angagto  ayey is qabsataa  oo noqotaa xabag.

Sidaa darted marka geedka beeyada ah la beerayo waxaa la dhaawacaa ama  la qoomaa  geedka jirridiisa halkaas oo canannadu dibada usoo dixato  dabadeedna mudo laba  todobaad ah ayaa la daayaa , kaa waxaa la yidhaahdaa  JAF-HORAAD.
Mar labaad ayaa qoomihii hore la dhaawacaa si ay cananno badan u keenaan   kaana waxaa la yidhaahdaa JAF-DANBEED  , ka dibna waxaa la daayaa ugu yaraan laba bilood ,  dabadeedna xabagtaa la guraa.
Alaabta geedka lagu qoomo oo marka danbe xabata lagu fujiyo waxaa la yidhaahdaa  MANGAAF

Xijigu waxa uu u kala baxaa  dhowr qaybood waxaana ka mida
1 . Luubaan ka : oo ah xabagta moxortka oo soocan  midabkiisu waa cadaa aad buuna u udgoonyhy.
2 . Foox : oo ah jirifta beeyada oo xabag yaryarina ku dheg dhagantahy, noocaas isaga ah waa la shidaa wax kale laguma qabsado

3 .Maydii :  waa xabag soocan oo lakab lakab isku qabsata  geedaka maydigu waa nooca ugu qaalisan xijiga oo dhan  waxaan laga sameeyaa alaabo badan .


TIXRAAC.
1.KHAYRAAADKA DALKEENA 
2.AFSOOMAALI - WASAARADA WAXBARASHADA


W/Q : cabdirisaaq Axmed Daahir Warsame ( Mucaad)

1 comment: