Monday 5 October 2015

sir qarsoon
Waligaa ma iswaydiisay sababta soomalidu ay magacyadooda uga lamaaneeyaan amaantu sida ‪#‎xawo‬-luul , ‪#‎maxamed‬ cade , ‪#‎qaali‬-qalanjo ,‪#‎kowsar‬- dheeman Iwm.?
Waxaa doorwayn ka ciyaara baan odhankarnaa xadaarad la'aanta haraysay soomaalida oo ah dad in badan la daalaa dhacayey jahli ayna ku yartahay ilbaxnimadu.
hadii aadan naynaas qurux badan samaysan waxaad khatar ugu jirtaa in lagugula kufo mid raadwayn ku reebta noloshaada , insaanka waxaa farxad u ah oo uu kugu jeclaanayaa in aad ugu yeedhto magaciisa ugu yaraan hadii aad xoogaa amaana ku dartana Guul, lkn kawaran hadii qof midabkiisa iyo qaabdhismeedkiisa kalsooni xumo ka haysay aad ugu yeedhto oo aad ku lamaaniso magaciisa , haday gabar tahay soo kharashkeedii oo dhan soo siisanmayso waxyaalaha la isku qurxiyo , Hadii uu wiilyahay shinbirku ka duulimaayo.
Suudaanta waa dad asal ahaan aad u madow waliba madow siyaado ah foolxumo haday noqotana tartan ku gali kara ( qaarkood) lkn waxay ku cayntaan ilbxanimada facawayn oo ay intaas harsanayeen , marka uu rabo in uu tilmaamo shaqsi madow waxa uu si sahalan kuu odhanayaa tusale ahaan ma aragtay ninkii cagaarnaa (zool akhdaraani ) .
Markaad ku cusubtahay wadanka waad ku yara wareeraysaa lkn markaad la qabsato waxaad gaaraysaa heer aad shaqsi foolxun ku odhan karto Aabihii quruxda.
Muujinta iyo dhiiranaanta in aad isku kalsoontahy waa tan kaliya oo ku siinaysa moral wanaagsan.
Kalsoonida xooggani qofka waxay gayaysiisaa inuu noqdo qof hal abuur leh, khatarahana waajihi kara.
Adiga soomali ahaan waxaa kula gudboon hadii aadan qofka magaciisa ama midka amaanta ah uu jecelyahy aadan ugu yeerayn in aadan u gaysan garaafo.

No comments:

Post a Comment