Waa maxay sababta ka danbaysa in Dowladaha Afrika lagu tijaabiyo Talaalka?
Saynisyahanadu waxay inta badan isku dayaan in ay caawiyaan wadankooda iyagoo gacan buuxda ka helaya Bulshadooda.
Talaalada waxaa inta badan lagusoo farsameeyaa wadamada Horumaray waxaan maalgaliya Ganacsato iyo dowladdo.
Tusaale ahaan Bilgate waxuu maal galiyey in ka badan 10 Baaritaano lagu sameenayo talaalka cudurka Kovid19 kaas oo lagu diyaarinayo goobo kala duwan iyo Wadamo kala duwan.
Waligaa ma aragtay mase maqashay bilyaneer afrikaana oo maal galiyey Cilmi baaris faaiido u leh Qaarada iyo Caalamkaba, Jawaabta adaan kuu daayey.
Asbuuc ka hor dhakhaatiir soomaali ah baa sameeyey Jeermis dile ay si wanaagsan u diyaariyeen waa aqoonyahanada Jaamacada PSU, waxyaalaha ay ka cabanayeen oo niyad jabka kugu ridaya waa in aysan helin Taakulo ay kusii hormarin karaan ikhtiraacooda si ay bulshada uga faaiidaysato, meeye Ganacsatadii Soomaliyeed iyo khaasatan kuwii reer puntiland ee Dariska la ahaa jaamacada.?
Adoo ka jawaabaya su'aashaan ma kula tahay in Talaalka lagu tijaabiyo ninkii sameeyey ee Bilgate ama shacabka dalkiisa hadii aad booskooda joogi lahayd mise waxaa haboon in lagu tijaabiyo Qaaradaha iyo dowladaha aan waxba ku darsan Baaritaankan, rabana iney ka faaiidaan mustaqbalka ?
Ogow saynisyahanku waxa uu qiimo ku leeyahay waa dadkiisa iyo dalkiisa, mana jiro saynisyahan ogolaanaya in dalkiisa lagu tijaabiyo wax uu uquuri waayey in uu naftiisa ku tijaabiyo.
Waa Hubaal in aad kolka hore Xanaaqaysid markaad maqashid waxaa talaalkaan lagu tijaabinyaa Africa laakiin waxaad Qaboobaysaa marka aad xaqiiqada aragtid.
Mid kamida madaxdeena ayaa laga yaabaa inuu Xaday lacag lagu samayn karay in ka badan 40 Baaritaan oo kala duwan.
Cadaanku waxay baxsheen dhaqaalihii lagu samaynlahaa talaalka, sidaa darteed ma waxaad ka sugaysaa iney hadana Dadkooda ku tijaabiyaan kadibna hadii uu shaqeeyo ay madowgu ka faaiidaysataan waad kaftamaysaa !
Laba asbuuc ka hor baa dhakhtarada Isbaanasha usoo jeedisaya dowladeeda in ay caafimaad u doontaan Qolyaha kubada cagta cayaara oo asbuucii malaayiinta u Qaata mushaar ahaan, dabcan waxay tusaysay in badqabka bulshadu ka muhiimsanyahay madadaalintooda.
Waxaan mowduuceena kusoo gaabinayaa waa in aad bulshada wax kusoo kordhisaa hadii kale ogow adigaa siyaado ku ah.
Dowladaha Afrikaanku Hadii aysan heesi karin waa in ay sameyaan Qoobka cayaar, hadii aysan aqoon qoob ka cayaarka waa in ay isku dayaan sida loo sacabiyo , hadii aysan aqoon sida loo sacabiyo waa in ay madaxa ruxi karaan, hadii ay ku adkaato madax ruxistu, waa in ay ogolaadaan in madaxa loo ruxo si ay cayaarta uga qayb qaadataan.
Mahadsanid.