Fooxu guud ahaan waa xabag dhir gaara ka baxda si yaabo badana loo isticamaalo , magaca guud
ee xabagta fooxa loo yaqaan waa BEEYO ,
hasa ahaatee marka magaca xabag oo dhan guud ahaan kulmiya
marka shaqadeeda iyo habka loo
beero lagu daro waa XIJI.Dadka beeyada beera iyaga waxaa loo yaqaan beeyeesato .
Beeyadu waxay ka baxdaa dalka soomaaliyeed geestiisa
waqooyi bari dhulka imminka loo qayaan PUNTLAND , dhirta beeyadu ka baxdo iyada
waxaa loo yaqaan MOXOR .
Geedka labaad ee isagu xabagta bixiya waxaa loo yaqaan
MAYDDI.
BEEYADAU marka hore waa dareere caanaha ciirta ah u eg oo CANANNO la ya
yidhaahdo,hasa yeeshee marka ay angagto
ayey is qabsataa oo noqotaa
xabag.
Sidaa darted marka geedka beeyada ah la beerayo waxaa la
dhaawacaa ama la qoomaa geedka jirridiisa halkaas oo canannadu dibada usoo dixato dabadeedna mudo laba todobaad ah ayaa la daayaa , kaa waxaa la
yidhaahdaa JAF-HORAAD.
Mar labaad ayaa qoomihii hore la dhaawacaa si ay cananno
badan u keenaan kaana waxaa la
yidhaahdaa JAF-DANBEED , ka dibna waxaa la daayaa ugu yaraan laba bilood , dabadeedna xabagtaa la guraa.
Alaabta geedka lagu qoomo oo marka danbe xabata lagu fujiyo
waxaa la yidhaahdaa MANGAAF
Xijigu waxa uu u kala baxaa
dhowr qaybood waxaana ka mida
1 . Luubaan ka : oo ah xabagta moxortka oo soocan midabkiisu waa cadaa aad buuna u udgoonyhy.
2 . Foox : oo ah jirifta beeyada oo xabag yaryarina ku dheg
dhagantahy, noocaas isaga ah waa la shidaa wax kale laguma qabsado
3 .Maydii : waa
xabag soocan oo lakab lakab isku qabsata
geedaka maydigu waa nooca ugu qaalisan xijiga oo dhan waxaan laga sameeyaa alaabo badan .
TIXRAAC.
1.KHAYRAAADKA DALKEENA
2.AFSOOMAALI - WASAARADA WAXBARASHADA
W/Q : cabdirisaaq Axmed Daahir Warsame ( Mucaad)